Ururka Midowga Afrika oo markale ka horyimid aqoonsiga Isra’iil ee Somaliland

Madaxda Ururka Midowga Afrika

Ururka Midowga Afrika ayaa markale caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay shir ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa lagu muujiyay diidmo cad oo ku wajahan aqoonsi kasta oo hal-dhinac ah, kaas oo lagu tilmaamay mid ka hor imaanaya mabaadi’da iyo qiyamka aasaasiga ah ee ururka.

Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha qaaradda ayaa adkeeyay in tallaabo kasta oo ka baxsan hannaan wadatashi iyo sharci waafaqsan ay halis gelin karto nabadda iyo xasilloonida Afrika, isla markaana dhaawici karto xiriirka dalalka xubnaha ka ah ururka.

Ugu dambeyntii, Golaha Midowga Afrika ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintan in ay ixtiraamaan xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay, isla markaana wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.