Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Wuxuu soo dhaweeyay imaanshaha labada Madaxweyne ee Muqdisho, isagoo ku boorriyay dadaallada ku aaddan in la gaaro heshiis loo dhan yahay, si dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado tanaasul iyo hoggaamin, si looga gudbo ismari waaga taagan.
“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu la yimaado tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah,” Sidaasi waxaa yiri Farmaajo.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa imanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto xaalad xasaasi ah oo la xiriirta doorashada iyo khilaafaadka dastuuriga ah, taasoo u baahan wada-tashi iyo hoggaamin wax ku ool ah si looga fogaado qalalaase iyo firaaq dastuuri ah.