Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub Ee UNICEF

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub Ee UNICEF

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay xilkan.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeeysa Dowladda Federaalka iyo UNICEF, isla markaana looga wada hadlo taageerada la gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan carruurta iyo dadka nugul.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa Marwo Lattouf la wadaagay guulaha xukuumadda ee dhinacyada dib-u-habeynta iyo dhismaha dowladnimada, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad muhiim ah oo dib-u-habeyn ah, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029 (NTP), kaas oo ah qaab-dhismeedka hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada joogtada ah ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta mashaariicda biyo nadiif ah, gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha.

Ugu dambeyntii, Marwo Sandra Lattouf ayaa sheegtay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, xoojinta wada-shaqeynta hey’adda iyo dowladda, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada, iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.