Ciidamo kasoo horjeeda maamulka Lafta-gareen oo la wareegay Qansax-dheere

Ciidamo kasoo horjeeda maamulka C/casiis Lafta-gareen oo la wareegay degmada Qansax-dheere

Wararka laga helayo degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada, dagaalka oo socday saacado badan kadib waxaa la sheegay in degmada si buuxda ula wareegeen ciidamo isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo dagaal toos ah la galay ciidamada daacadda u ahaa maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda degmada ay weli kacsan tahay, iyadoo cabsi amni darteed ay qaar ka mid ah dadka deegaanka bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka baqaya in dagaalladu dib uga qarxaan ama ay sii xoogaystaan.

Degmada Qansax-dheere ayaa noqotay degmada labaad ee muddooyinkii u dambeeyay laga sheegto inay ka baxday gacanta maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada maanta la wareegay degmadaasi ay hore ula wareegeen degmada Buur-hakaba ee isla gobolka Baay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay Qansax-dheere ama sheegashada ciidamada la wareegay degmada.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni ee gobolka Baay ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in colaadaha ka socda deegaannada qaar ay sii saameeyaan nolosha dadka rayidka ah ee ku nool gobolka.