Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mukhtaar Shakuur Amiin, kadib markii lagu helay dambiga dilka marxuum Fatxi C/laahi Cabdi, oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dilka ayaa dhacay 16-kii February 2026 kadib muran la sheegay inuu salka ku hayay taleefanka gacanta ee marxuumka, waxaana wararka sheegayaan in marxuum Fatxi C/laahi Cabdi uu xilligaas kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaaddii Duhur ka hor inta aysan dhicin dhacdadaasi.
Dhacdadan murugada leh ayaa sidoo kale saameyn kale reebtay, iyadoo aabaha marxuumka, C/laahi Cabdi Muuse, uu geeriyooday kadib markii uu soo gaaray warka dhimashada wiilkiisa, sida lagu sheegay warbixinta kiiska.
Kadib baaris ay sameeyeen xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxaa la codsaday in kiiska loo gudbiyo maxkamadda ciidamada, waxaana codsigaasi la aqbalay 3-dii March 2026.
Maxkamaddu waxay qabatay fadhiyaal dhowr ah, iyadoo dhageysatay maragyo goob joog u ahaa dhacdada, isla markaana fursad siisay labada dhinac ee dacwadda si ay u soo bandhigaan caddeymo iyo difaacooda.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukunkaasi la fuliyay kadib markii ay dhamaadeen dhammaan marxaladihii sharciga ahaa ee kiiska, isla markaana la raacay nidaamka cadaaladeed ee maxkamadaha ciidamada.