Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo faahfaahin ka bixiyay qaraar ku saabsan iskaashi khayraad dabiici ah

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu ansixiyay Baarlamaanka gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka, kaas oo la xiriira iskaashi lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in qaraarkan uu horseedi karo iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo gobolka West Virginia, gaar ahaan dhinacyada sahaminta macdanta, horumarinta tiknoolajiyada la xiriirta khayraadka dabiiciga ah, iyo kor u qaadista aqoonta farsamo ee ku saabsan maamulka iyo ka faa’iideysiga macdanta.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta cilmi-baarista iyo tababarrada la xiriira macdanta, maadaama gobolka West Virginia uu khibrad dheer u leeyahay arrimaha macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in qaraarku uu furi karo albaab cusub oo maalgashi iyo iskaashi caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo cusub oo ay ka faa’iideysan karaan dhalinyarada dalka.

Ugu dambeyn, waxa uu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashi caalami ah, si si wax ku ool ah looga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee dalka, loona xoojiyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.