Ciidamo taageersan Laftagareen oo kasoo horjeestay doorasho ka dhaco Koonfur Galbeed

Ciidamo taageersan Laftagareen oo kasoo horjeestay doorasho ka dhaco Koonfur Galbeed

Ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku dhawaaqay inay si cad uga soo horjeedaan doorashooyin la qorsheeyay in laga qabto magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada maamulkaas.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee ku sugan deegaanka Awdiinle, Isaaq Cali Isaaq (Meedeey), iyo Afhayeenka ciidankaas Daa’uud Maxamed Jiroon, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wax doorasho ah oo lagu qabto Baydhabo, iyagoo ku eedeeyay qorshahaas inuu u egyahay xaaladihii colaadaha sokeeye ee dalka ka dhacay xilligii dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991.

Saraakiishan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay wataan ciidamo hubeysan oo wata gaadiid dagaal oo tiro badan, iyagoo ku hanjabay in aanay oggolaan doonin diyaarado ka degaya garoonka magaalada Baydhabo haddii ay la xiriiraan qorshaha doorashooyinka la qorsheeyay.

Dhinaca kale, Col. Meedeey ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay faraha ka baxday, isaga oo ku goodiyay in hubkii laga soo qaaday magaalada Muqdisho aan dib loogu celin doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan murannada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee maamulkaasi ay weli wajahayaan xiisado isa soo taraya.