Somaliland ayaa si kulul uga hadashay bayaan ay si wadajir ah usoo saareen qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ku taageerayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay danjire u magacawday deegaannada Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu si dhow ula socoto arrintaasi, balse ay caddeysay in bayaannadaas aysan khuseyn Somaliland, maadaama ay isku aragto dal madax-bannaan oo ku dhisan mabaadi’da dowladnimada tan iyo sanadkii 1960.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Somaliland ay xorriyaddeeda ka qaadatay 26-kii Juun 1960, isla markaana ay markaas heshay aqoonsi caalami ah, iyadoo sidoo kale lagu sheegay in kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii.
Xukuumaddu waxay sheegtay in dowladnimadeeda ay ku dhisan tahay mabda’a sii-jiritaanka dowladnimo, inkastoo weli aysan dhammaystirmin habraacyada sharci ee caalamiga ah ee la xiriira aqoonsiga.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxeen bayaanno ay dalal kala duwan ku muujinayeen taageeradooda midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib magacaabista danjiraha Israa’iil ee Somaliland.