Iiran oo iska diiday inay Maraykanka la gasho wada-hadal ay hanjabaado la socdaan

Iiran oo iska diiday inay Maraykanka la gasho wada-hadal ay hanjabaado la socdaan

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa shaaciyay mowqifka ay ka taagan yihiin wada-hadallo suurtagal ah oo ay la yeeshaan maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan gobolka Bariga Dhexe.

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in Tehran aysan aqbali doonin wada-hadal lagu galo cadaadis ama hanjabaado, isagoo caddeeyay in dalkiisu uusan geli doonin gorgortan aan ka tarjumayn danaha qaran ee Iiraan.

Ghalibaf ayaa ku eedeeyay Trump inuu isku dayayo inuu cadaadis dhaqaale iyo cunaqabateyn ku qasbo Iiraan si miiska wada-hadallada loogu beddelo mid ay Tehran ku muujiso is-dhiibis, ama loogu helo marmarsiinyo lagu sii huriyo xiisadaha iyo colaadaha ka taagan gobolka.

“Trump isagoo weli ku hawlan cunaqabateyn iyo jebinta heshiisyada xabbad-joojinta, wuxuu doonayaa inuu miiska wada-xaajoodka u rogo miis is-dhiibis ama uu u adeegsado marmarsiinyo uu kusii huriyo dagaalka, sida uu u arko inay ku habboon tahay,” ayuu yiri Ghalibaf.

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa sidoo kale tilmaamay in dalkoodu uusan aqbali doonin wax wada-hadal ah oo ay la socdaan hanjabaado ama cadaadis dibadeed, isagoona intaas ku daray in labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ay Iiraan diyaarinaysay xeelado cusub oo ay isticmaali doonto hadii markale uu dagaalka dib u bilawdo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Bagher Ghalibaf ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Bariga Dhexe, iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan suuragalnimada wada-hadallo cusub ama isku dhacyo ka dhex dhaca quwadaha waaweyn ee gobolka.