Ciidanka dowladda oo duleedka Baydhabo kasoo qabtay gaari dagaal oo ay ka carareen ciidankii Laftagareen

Ciidanka dowladda oo duleedka Baydhabo kasoo qabtay gaari dagaal oo ay ka carareen ciidankii Laftagareen

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kasoo saaray gaari dagaal oo la sheegay in laga qabsaday ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kadib dagaallo saaka halkaasi ka dhacay.

Gaarigan oo ku rakiban yahay qoriga Zuuga, islamarkaana uu halkaasi ku galay shil, ayaa waxaa ka cararay ciidamadii la socday, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen in lagu wareejiyay xarunta taliska qaybta 60aad ee Baydhabo, halkaas oo sidoo kale lagu hayo hub iyo qalab kale oo laga soo qabtay ciidamadii taabacsanaa Laftagareen.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga in taliska qaybta 60aad ee Baydhabo uu warbaahinta u soo bandhigi doono gaadiidka dagaal iyo hubka laga qabsaday ciidamada taageersan Laftagareen, kuwaas oo saaka dagaal culus ku galay magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan u muuqata mid deggan kadib dagaalkii saaka ka dhacay magaalada, hase yeeshee waxaa weli jira walaac ay qabaan shacabka ku dhaqan magaalada oo ku saabsan suurtagalnimada inay mar kale dib u soo laabtaan iska horimaadyo kale oo saameyn kara amniga iyo nolosha dadka rayidka ah.