Sheekh Shariif iyo Agaasimaha NISA oo kulan albaabada u xiran ku yeeshay Muqdisho

Sheekh Shariif iyo Agaasimaha NISA oo kulan albaabada u xiran ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay kulan albaabada u xiran ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee amniga Muqdisho, iyadoo laga dooday bannaanbaxyada ay mucaaradku qorsheynayaan inay qabtaan 4-ta bisha Juun.

Labada mas’uul ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida magaalada, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalqal amni ama sababi kara iska horimaadyo iyo rabshado.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in wada-xaajood iyo isfaham lagu xalliyo tabashooyinka jira, si looga hortago xaalado amni darro ah oo saameyn kara shacabka iyo guud ahaan nidaamka dowladnimo.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradku ku baaqeen inay banaanbaxyo ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 4-ta bisha Juun, kuwaas oo sababay walaac amni oo laga muujinayo caasimadda.