Ilhaan Cumar oo la weeraray xilli ay khudbad jeedinaysay

Ilhaan Cumar oo la weeraray xilli ay khudbad jeedinaysay

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada Mareykanka ayaa la weeraray xilli ay jeedinaysay khudbad ay ku dhaleeceyneysay islamarkaana ku baaqaysay inay xilka iska casisho xoghayaha wasaaradda amniga gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa geystay nin cadaan ah oo magaciisa lagu sheegay Anthony J. Kazmierczak, kaas oo xildhibaanad Ilhaan Cumar ku buufiyay dareere aan la garanayn waxa uu ahaaa, balse waxaa xaaladda si dhaqso ah ku xakameeyay ilaaladeeda.

“Waan caafimaad qabaa, waxaan kasoo badbaaday caqabado badan, sidaas awgeed falkaan yarna igama hor istaagi doono inaan sii wato shaqadayda, mana oggolaan doonno in kuwa caga-jugleeya ay guuleystaan,” Ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay barteeda X kadib weerarka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin ka tirsan booliiska Minneapolis ayaa xaqiijiyay in ninka weerarka geystay uu haatan ku xiran yahay xabsiga degmada Hennepin ee gobolka Minnesota.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu muddooyinkii u dambeysay sii kordhinayay aflagaadada uu u geysanayay xildhibaanad Ilhaan Cumar iyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dallka Mareykanka.