Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo gargaar bani’aadannimo ah ka fuliyay deegaannada Mad-dhoos, Gomarey iyo tuulooyin kale oo hoos yimaada gobolka Baay.
Ciidamadu waxay shacabka ku nool deegaannadaas gaarsiiyeen gargaar kala duwan oo isugu jira raashin, biyo-dhaamin degdeg ah iyo adeegyo caafimaad oo aasaasi ah, si loo yareeyo saameynta ka dhalatay xaaladaha bani’aadannimo ee sii xumaanaya.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in tallaabadani ay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan shacabka ay saameeyeen xaaladaha adag, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada nololeed ee dadka ku nool deegaannadaas.

Waxay sidoo kale xuseen in howlgalladan ay muujinayaan xiriirka dhow ee ka dhaxeeya ciidanka iyo bulshada deegaanka, iyadoo la xaqiijinayo in gurmad bani’aadannimo uu gaaro dadka ugu nugul.
Ugu dambeyn, waxay sheegeen in lasii wadi doono howlgallo noocan oo kale ah, si loo taageero dadka ay saameeyeen abaarta iyo duruufaha kale ee ka jira gobollada dalka.