Dowladda federaalka oo si adag u cambaaraysay safiirka Israa’iil u magacawday Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay tallaabada ay qaaday xukuumadda Israa’iil, taas oo lagu sheegay in safiir cusub loogu magacaabay maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda uga tirsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax aqoonsi diblumaasiyadeed ah oo si gaar ah loogu siin karo.

Wasaaraddu waxay sheegtay in cid kasta oo Somaliland si toos ah ula macaamilaysa, qaab diblumaasiyadeed ay jebinayso qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida iyo midnimada dalalka.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblumaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda. Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabo kasta oo muujinaysa aqoonsi gaar ah waa mid aan sal sharci lahayn, isla markaana ka hor imanaysa axdiyada caalamiga ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo dowladnimada dalka, iyada oo ka digtay tallaabo kasta oo keeni karta jahawareer diblumaasiyadeed ama khilaaf siyaasadeed.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay sii wadi doonto difaaca midnimadeeda qaran iyo madax-bannaanideeda, iyadoo adeegsaneysa dhammaan waddooyinka diblumaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee waafaqsan sharciga caalamiga ah.