Maamulka Waqooyi Bari oo ka falceliyay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland

Wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari, Axmed C/risaaq Diiriye

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), kaas oo uu kaga hadlay arrimo la xiriira nabadaynta iyo is-weydaarsiga maxaabiista.

Wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari, Axmed C/risaaq Diiriye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha Somaliland uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uu muujinayo, sida uu sheegay, mas’uuliyad-darro siyaasadeed.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa dhaliil u jeediyay hoggaamiyeyaashii hore ee Somaliland, isagoo ku eedeeyay in ay ku lug lahaayeen siyaasado uu ku tilmaamay kuwa aan waxba ka tarayn midnimada dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Somaliland ku eedeeyay inay ka waddo gobolka Sool dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo sii kordhinaya xiisadda iyo xaaladaha amni darro, isagoo xusay in fursado nabadeed oo hore loo soo bandhigay aan si buuxda looga faa’iidaysan.

“Hadalada uu jeediyay Cirro waa kuwo aan la aqbali karin, waxayna muujinayaan mas’uuliyad-darro siyaasadeed iyo faham la’aan ku aaddan xaaladda dhabta ah ee gobolka, waxay sii adkeynayaan dadaallada nabadeed ee socda, isla markaana dhaawacayaan kalsoonida wada-hadallada, fursaddii nabadeed ee maamulka Waqooyi Bari bixiyay waxay ahayd mid muhiim ah, balse si buuxda looma wada faa’iidaysan, taasoo muujinaysa in dhinacyo gaar ah aysan diyaar u ahayn xal waara.” Sidaas waxaa yiri wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Axmed C/risaaq Diiriye.