Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha degmada Baydhabo, ahna duqa degmada C/laahi Cali Watiin.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka degmada Baydhabo, gaar ahaan xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kor u qaadidda bilicda degmada, iyadoo sidoo kale looga hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha bulshada si loo gaarsiiyo heerar la taaban karo.
Hoggaamiyaha KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa faray guddoomiyaha degmada Baydhabo inuu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee shacabka, si loo gaaro horumar muuqda oo ka hirgala degmada.
Ugu dambeyn, xildhibaannadii ka qeyb galay kulanka ayaa iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhexmarta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo hufan oo ay helaan bulshada ku dhaqan degmada.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo horumarinta magaalooyinka muhiimka ah ee Koonfur Galbeed, iyadoo la doonayo in la xaqiijiyo horumar muuqda iyo badqabka shacabka.