Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dagaal beeleed khasaare xoogan geystay oo ka dhacay deegaanka Laaso oo u dhaxeeya deegaanada Carmale iyo Daarasalaam ee bariga gobolka Sanaag, kaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega deegaannadaas.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ilo deegaanka ah ay xaqiijiyeen in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada qaar ayaa la sheegay inay culus yihiin, waxaana dadka dhaawacmay loo kala qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaannada u dhow halka uu dagaalku ka dhacay.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muran la xiriira dhul iyo deegaan, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.
Waxay sidoo kale muujiyeen cabsi laga qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo, maadaama aan weli jirin dadaal rasmi ah ama cid si toos ah u kala dhex gashay labada dhinac ee dagaallamay.
Sidoo kale, wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in xaaladdu weli tahay mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo qaar kamid ah deegaannada ku dhow goobihii lagu dagaallamay.
Deegaanka Carmale ayaa horey uga dhacay kulamo nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen waxgarad iyo guurti dhaqameed, kuwaas oo lagu doonayay in lagu soo afjaro xiisado iyo xurgufo hore uga dhex jiray labada dhinac.
Odayaasha dhaqanka ayaa mar kale ugu baaqay beelaha dirirtu dhex martay inay joojiyaan colaadda, isla markaana ay u hoggaansamaan nabadda iyo wada-hadallada.
Si kastaba ha ahaatee, dagaallada noocan oo kale ah ayaa marar badan saameyn ku yeesha nolosha dadka rayidka ah, gaar ahaan xoolo-dhaqatada iyo shacabka ku nool miyiga, iyadoo sidoo kale ay hakad geliyaan isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsiga ee deegaannada ay colaadaha ka dhacaan.