Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybaha cusub ee lagu kordhiyay isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka dalka.
Munaasabadda daahfurka ayaa lagu soo bandhigay adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo ay bulshada baahi weyn u qabeen, kuwaas oo ay kamid yihiin qalab casri ah oo CT Scan ah oo lagu sameynayo baaritaanno sax ah, qeyb casriyeeysan oo loogu talagalay kaydinta iyo maamulka dhiigga, iyo sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay qeybta sheybaarka si loo hubiyo adeegyo baaritaan oo degdeg ah isla markaana la isku halayn karo.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in adeegyadan cusub ay wax weyn ka tari doonaan sare u qaadista tayada daryeelka caafimaad ee bukaannada, gaar ahaan dhinacyada baaritaanka iyo adeegyada degdegga ah.
Wasiir Cali Xaaji Aadam ayaa munaasabadda ka sheegay in casriyeynta lagu sameeyay qeybaha CT Scan-ka, kaydinta dhiigga iyo sheybaarka ay sare u qaadi doonto kalsoonida bulshada ee adeegyada caafimaadka dowladda, isla markaana ay yareyn doonto baahida ay bukaannadu ugu safraan goobo kale si ay u helaan adeegyada noocan oo kale ah.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha caafimaadka iyo tayeynta adeegyada aas-aasiga ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, laguna kalsoonaan karo.
Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa xustay in tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta qorshaha caafimaadka qaranka, kaas oo diiradda saaraya ballaarinta adeegyada caafimaadka, casriyeynta qalabka caafimaadka, iyo kor u qaadista awoodda xarumaha caafimaad ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, daahfurkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya waddo dadaallo lagu xoojinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed.