Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay qabanqaabada banaanbax ballaaran oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 10-ka May 2026, kaas oo looga soo horjeedo barakicinta dadka dhibaateysan iyo dhul-boobka ay dowladda federaalka ka waddo caasimadda.
Banaanbaxan oo ku beegan yahay isla maalinta uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka casuumaad wadatashi ah ayaa hadane ay sheegeen mucaaradka inuusan wax siyaasad ah la xiriirin balse uu yahay mid lagu muujinayo diidmada barakicinta dadka dhibaateysan iyo dhul-boobka ay dowladda federaalka ka waddo caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay si adag uga hadlay xaaladda ka jirta caasimadda, isagoo sheegay in aan la iska indho tiri karin duruufaha adag ee ay wajahayaan shacabka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay si ballaaran uga qeyb qaataan banaanbaxa la qorsheeyay, isagoo xusay in banaanbaxu yahay mid lagu muujinayo diidmada barakicinta iyo cadaadiska lagu hayo dadka rayidka ah, islamarkaana uu noqdo mid nabadeed oo si nidaamsan u dhaca.
Ugu dambeyn, ku dhawaaqista banaanbaxan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay is barbar socdaan baaqyada wadahadalka iyo diidmada mucaaradka ee ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee hadda jira.
Si kastaba ha ahaatee, 10-ka May 2026 ayaa loo arkaa maalin muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo si dhow loo eegayo sida ay u dhacaan banaanbaxa iyo wadatashiga la qorsheeyay.