Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qarxay dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwo la sheegay inay taageersan yihiin kooxaha mucaaradka.
Dagaalka oo ka socda xaafado kamid ah magaalada Baydhabo, ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadka ku nool deegaannada uu dagaalku saameeyay, iyadoona qaar kamid ah dadkaasi ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inuu dagaalku sii xoogeysto.
Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa inay dagaalka adeegsanayaan hubka culus oo si weyn looga maqlayo magaalada iyo deegaanada ku dhaw, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta buuxda ee dagaalka.
Ilaa iyo haatan, ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama dhinacyada kale ee la sheegay inay ku lug leeyihiin dagaalka, waxaana sidoo kale adag in la xaqiijiyo khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa ah mid weli aad u kacsan, iyadoo shacabka halkaasi ku nool ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu sii fido haddii aan xal degdeg ah laga gaarin xiisadda taagan.