Xubnaha Soomaaliya ee ku matalaya baarlamaanka ururka bulshada bariga Afrika oo la dhaariyay

Xubnaha Soomaaliya ee ku matalaya baarlamaanka ururka bulshada bariga Afrika oo la dhaariyay

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyas Cali Xasan, ayaa shaaciyay in maanta magaalada Arusha lagu dhaariyay xubnaha Soomaaliya ku matalaya baarlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Danjiraha ayaa sheegay in dhaarinta xubnahan ay tahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa doorka iyo ka qaybgalka fir-fircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka EAC.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ay guul siyaasadeed u tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka tarjumaysa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso xoojinta xiriirka gobolka.

Danjiraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka isdhexgalka, iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalalka ku mideysan ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika.

Ugu dambayn, Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku ammaanay kaalinta muuqata ee uu ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka iyo matalaadda Soomaaliya ee ururka EAC.