Koox hubeysan ayaa caawa fiidkii degmada Wadajir ku dilay Allaha u naxariistee, Nabadoon Cali Wosh oo ka mid ahaa nabadoonadda sida weyn looga yaqaanay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu kasoo baxay masjid ku yaalla degmada Wadajir, iyadoo rasaasta lagu furay ay sababtay dhaawac culus oo soo gaaray.
Inkastoo si deg-deg ah dhaawaciisa loola cararay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxaa la xaqiijiyay inuu ugu dambeyn u geeriyooday.
Allaha u naxariistee Nabadoon Cali Wosh ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay bulshada dhaxdeeda, wuxuuna door muhiim ah kasoo qaatay arrimaha nabadeynta, xalinta khilaafaadka iyo isku xirka bulshada ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.
Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo ku saabsan cidda ka dambeysay dilka nabadoonka, ama in la soo qabtay dad lala xiriirinayo falkaas.
Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa muujinaya caqabadaha dhinaca amniga ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo bulshada deegaanka ay si weyn uga naxeen geerida Nabadoon Cali Wosh oo ahaa shaqsi bulshada dhaxdeeda sumcad ku lahaa.