Ururka Midowga Afrika oo si adag uga hadlay magacaabista safiirka Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika

Ururka Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in Israa’iil ay go’aansatay inay safiir u magacawdo waxa loogu yeero Somaliland, tallaabadaas oo ururku ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ururku si buuxda u garab taagan yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo xusay in mabda’aasi uu ka mid yahay qawaaniinta iyo heshiisyada aasaasiga ah ee hagaya ururka iyo sharciga caalamiga ah.

Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay inuusan aqoonsanayn Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, isaga oo tilmaamay in tallaabo kasta oo si gaar ah loo qaado, gaar ahaan aqoonsi diblomaasiyadeed, ay ka hor imaanayso qawaaniinta caalamiga ah isla markaana halis gelin karto xasilloonida Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay go’aan hore oo kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika intii lagu jiray kulankii 1324-aad ee la qabtay 6-da Janaayo 2026, kaas oo si cad uga digay tallaabooyinka keeni kara xiisad cusub oo ka dhalata gobolka.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale muujiyay taageerada joogtada ah ee uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada qaranka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira saameynta faragelinta dibadda ee gobolka.