Dalalka Carabta oo weli ku jahwareersan colaadda Bariga Dhexe

Dalalka Carabta oo weli ku jahwareersan colaadda Bariga Dhexe

Dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa ku yaalla gacanka Khaliijka, ayaa weli wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni, kadib dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan, kaas oo si weyn u saameeyay gobolka Bariga Dhexe.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha Carabta ay ku adag tahay inay qaataan mowqif cad oo ku saabsan colaadda, maadaama ay doonayaan inay ilaashadaan xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Mareykanka oo ah xulafadooda amni, isla markaana ay ka cabsi qabaan in dalalkoodu noqdaan bartilmaameedyo ay Iiraan uga jawaabto weerarrada lagu qaadayo.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa dhankooda sheegay inaysan wax colaad ah kala dhaxeeyn dalalka deriska, balse ay si adag uga jawaabi doonaan haddii weerarro lagu qaado dalkooda laga soo abaabulo dhulalka dalalkaas.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaqaalaha gobolka, gaar ahaan suuqyada tamarta, kadib markii Iiraan ay xanibtay Marinka Hormuz oo ah marin muhiim u ah maraakiibta shidaalka ee ka yimaada dalalka gacanka Khaliijka.

Ugu dambeyn, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii colaaddaan ay sii socoto, ay kordhin karto khataraha amni iyo dhaqaale ee gobolka, isla markaana ay sii adkeyn karto go’aanka ay qaadanayaan dalalka Carabta ee ku saabsan mowqifkooda dagaalka.