Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan oo beeniyay in hoggaamiyahooda cusub la dhaawacay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee ugu sareeya dalkaasi, Mojtaba Khamenei, uu dhaawac kasoo gaaray weerarro militari oo dalkaasi lagu qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isagoo caddeeyay inuu caafimaad qabo isla markaana si caadi ah u gudanayo waajibaadkiisa. isagoona dhinaca kale tilmaamay in wararka laga faafiyay xaaladdiisa ay yihiin kuwo aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu Jimcihii sheegay in Mojtaba Khamenei laga yaabo inuu ku dhaawacmay weerarro militari oo lagu qaaday dalkaasi Iiraan.

Hegseth ayaa sidoo kale xusay in ay suuragal tahay in hoggaamiyaha Iiraan uu dhaawac ka gaaray wejiga, taas oo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeeysa Iiraan iyo Mareykanka, kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa arrimo la xiriira siyaasadda gobolka, barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo hawlgallada militari ee Bariga Dhexe.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax caddeyn rasmi ah oo lagu xaqiijinayo sheegashada dhaawaca hoggaamiyaha Iiraan, iyadoo dowladda Iiraan ay si cad u beenisay arrinkaas.

Warbaahinta caalamka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa si dhow ula socda xaaladda Iiraan, iyagoo sugaya warar rasmi ah oo dheeraad ah ama muuqaal uu hoggaamiyuhu si toos ah uga soo muuqdo si loo xaqiijiyo xaaladdiisa caafimaad.