DEG DEG: Shirkii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka oo natiijo la’aan kusoo idlaaday

Bulshoweyn Online | Breaking News | War Deg Deg Ah

Waxaa goor dhow xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kusoo idlaaday wejiga labaad ee shirka wadahadallada u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirka maanta uu kusoo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo dhinacyadu isku fahmi waayeen arrimo muhiim ah oo la xiriira marxaladda kala-guurka siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Qodobada ugu waaweyn ee ay isku mari waayeen waxaa kamid ah sida loo wajahayo xaaladda kala-guurka, maadaama uu dhamaaday muddo-xileedkii hay’adaha dowladda, islamarkaana aan weli heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka lagu geli doono.

Labada dhinac ayaa isku raacay in dib la isugu soo laabto galabta, si loo sii ambaqaado wada-hadallada loona raadiyo xal waara oo laga gaaro khilaafka taagan.

Shirka galabta ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonnaa hannaanka doorashooyinka iyo muranka ka taagan dastuurka dalka, iyadoo dhinacyadu ay haatan ku jiraan kulamo wadatashi ah oo hordhac u ah fadhiga xiga.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa inay shirka kusoo bandhigaan qaabka doorasho ee ay u arkaan mid lagu heshiin karo, halka dowladda federaalka ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga hirgeliyo.

Dhinaca kale, wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan danjireyaasha Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sii wada dadaallada dhexdhexaadinta, iyagoo ku cadaadinaya dhinacyada inay gaaraan heshiis ka hor 15-ka May, si looga baaqsado hubanti la’aan siyaasadeed.

Beesha caalamka ayaa ka digtay in haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin kahor 15-ka May 2026, uu dalka gali doonno marxalad cusub oo siyaasadeed oo aan la saadaalin karin, taas oo saameyn ku yeelan karta horumarradii dhawaan la gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ayaa noqonaya mid aad xasaasi u ah, maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag oo la xiriirta dhammaadka muddo-xileedka dowladda federaalka iyo mustaqbalka doorashooyinka dalka.