Saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Baydhabo

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa xaqiijinaya in saraakiisha ku geeriyootay dagaalkaasi ay kamid yihiin Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Cali Caddow, iyo Taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, Yoonis Aadan.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay kadib markii ciidamo taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka, taas oo dhalisay dagaal xooggan oo saacado socday.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu gubay gaadiid dagaal, iyadoo mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee loo yaqaano “Sakaawaha” uu dab qabsaday intii uu dagaalka socday.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ayaa weli isa soo taraya, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama dhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay sii cakirnaato haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin khilaafaadka taagan.