Hay’adda socdaalka oo awaamiir cusub kusoo rogtay qaadashada baasaboorka Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu xoojinayo shuruudaha lagu dalbanayo baasaboorka Soomaaliga, taas oo si rasmi ah u dhaqan geli doonta 1-da Luulyo 2026.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in qof kasta oo doonaya inuu codsado baasaboorka Soomaaliga looga baahan doono inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, ama shahaado rasmi ah oo caddeyneysa inuu ka diiwaangashan yahay nidaamka aqoonsiga qaranka.

Hay’addu waxay caddeysay in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ama caddeyntiisa uusan si toos ah u codsan karin baasaboorka Soomaaliga marka sharcigan cusub uu dhaqan galo.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, looguna xoojinayo nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta iyo amniga guud ee dalka.

Hay’adda socdaalka oo awaamiir cusub kusoo rogtay qaadashada baasaboorka Soomaaliga