Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa maanta booqasho ku tagay hoyga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.
Booqashadan ayaa waxaa Deni ku wehliyey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulka Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, dib-u-eegista dastuurka, iyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay mucaaradku ka qaataan go’aannada siyaasadeed ee muhiimka ah.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga siyaasadeed si loo gaaro xasillooni iyo heshiis qaran.

Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegay in booqashadan ay ujeeddadeedu tahay dhisidda isfaham dhexmara dhinacyada mucaaradka iyo abuuridda jawi wada-hadal oo lagu xallin karo khilaafaadka ka taagan doorashooyinka iyo hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ay ku doonayso inay door muuqda ka qaadato sidii loo hubin lahaa in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si hufan, iyadoo la ixtiraamayo nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan natiijada kulanka iyo tallaabooyinka la isla gartay ee lagu xoojinayo wada-tashiga siyaasadeed.