Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro)

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa la filayaa in dhammaadka bisha Maarso uu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil, taasoo noqon doonta booqashadii ugu horreysay ee noocaas ah ee madaxweynuhu sameeyo.

Inkastoo Madaxweyne Cirro hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, booqashadan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ku doonayso inay taageero iyo aqoonsi kaga hesho caalamka intiisa kale.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee telefishinka ku hadla afka Somaliland, isla markaana soo xiganaya war ka soo baxay majaladda Israa’iil, ayaa lagu sheegay in socdaalkan, oo noqonaya kii ugu horreeyey ee rasmi ah, uu hordhac u yahay xoojinta xiriirka labada dhinac.

“Socdaalkan ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee rasmi ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tago dalkaasi, iyadoo madaxweynuhu hore safar qarsoodi ah ugu tagay Israa’iil, halkaas oo wada-hadalladii uu la yeeshay ay horseedeen in Israa’iil bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, taas oo dhiddibada u taagtay iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madaxbannaani sanadkii 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran, ayaa qorshaysanaysa inay ka gudubto heerka xiriir diblomaasiyadeed oo keliya, isla markaana ay balaariso iskaashi dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha, iyo hal-abuurka, kuwaas oo Israa’iil caan ku tahay.

Booqashadan ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana ka qayb qaadato ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland.