Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu ansixiyay qorshayaal muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada dadweynaha iyo heshiisyo caalami ah.
Kulanka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu meel-mariyay dhismaha xarunta adeegga mideysan ee “Halmeel”, oo hoostagi doonta xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo loogu talagalay isku-duwidda, mideynta iyo jaangooynta adeegyada dowladda, si muwaadiniintu u helaan adeegyo isku xiran oo fudud.
Xarunta “Halmeel” ayaa sidoo kale diiradda saari doonta dib-u-habeynta adeegyada adag, yareynta nidaamka xafiisyada badan, iyo fududeynta is-weydaarsiga xogta u dhaxeeysa hay’adaha dowladda, taas oo ka caawin doontaa muwaadiniinta in aysan marar badan bixinin xog isku mid ah marka ay adeegyo kala duwan raadsanayaan.
Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay oo la xiriira sharciga badaha, gaar ahaan heshiiska ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee meelaha ka baxsan awoodda qaran.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo heerka wabiyada dalka, iyadoo warbixin gaar ah oo ka timid wasaaradda beeraha iyo waraabka ay iftiimisay xaaladda hadda ee kheyraadka biyaha iyo wabiyada.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo xusay in warbixinta amniga ay muujisay horumar la taaban karo, isla markaana ay si weyn hoos ugu dhaceen falalkii amni darrada ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, go’aannada kasoo baxay kulankaan ayaa muujinaya dadaallada dowladda federaalka ee lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha, xoojinta amniga, iyo ka qeybqaadashada heshiisyada caalamiga ah ee muhiimka u ah ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.