Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku aaddan dib-u-soo nooleynta awoodda badda, kaddib markii la diiwaangeliyay markabkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe.
Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo Guney islamarkaana sumaddiisu tahay “IMO 8230417” ayaa noqday kii ugu horreeyay ee lagu daro diiwaanka maraakiibta Soomaaliya, iyadoo la dhammeystiray dhammaan habraacyadii sharci iyo farsamo ee looga baahnaa dalalka bixiya calanka maraakiibta.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in horumarkan uu muujinayo soo kabashada hay’adaha badda iyo dib u helidda kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.
“Tallaabadani waxay astaan u tahay dib u soo laabashada Soomaaliya ee goobaha caalamiga ah ee la xiriira maraakiibta iyo ganacsiga badda,” ayuu yiri wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda, C/qaadir Maxamed Nuur.
Diiwaan-gelinta markabkan ayaa qeyb ka ah heshiis is-afgarad oo dhex maray wasaaradda iyo shirkadda Somali Ship Register Limited, kaas oo lagu hirgelinayo nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo maraakiibta.
Guushan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladda federaalka ay ku xoojinayso maamulka kheyraadka badda, iyadoo la hiigsanayo in Soomaaliya ay dib ugu biirto dalalka hormuudka ka ah adeegyada maraakiibta caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay astaan u tahay in maraakiibta wata calanka Soomaaliya ay si rasmi ah uga hawlgeli karaan dekedaha caalamka, iyagoo wata aqoonsi sharci ah oo ay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya.