Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawada dib uga celisay diyaarado siday ciidamo aad u hubeysan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa berri soo gaari doona Muqdisho si ay uga qayb galaan shirka dhexmaraya madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saari doona arrimo muhiim ah oo la xiriira siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka dalka.
Diyaaradaha hawada laga celiyay ayaa lagu amray inay dib ugu noqdaan magaalooyinkii ay kasoo duuleen, kadib markii la ogaaday inay ku xad-gudbeen habraacyadii amniga ee lagu heshiiyay.
Ciidamadaan ayaa loogu talagalay sugidda amniga madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inta ay joogaan Muqdisho.
Illaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland ama Jubbaland oo arrintan si cad uga hadlay, taasoo sii kordhisay xiisadda iyo welwelka ku saabsan amniga madaxda iyo xaaladda guud ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan waxay muujinaysa feejignaan amni oo ay qaaday dowladda federaalka, waxaana la filayaa inay si dhow ula socoto socdaalka madaxweynayaasha, iyadoo diyaar u ah hirgelinta qorsheyaal kale oo amni haddii loo baahdo, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga caasimadda Muqdisho.