Shirkii wadatashiga madaxda dowladda iyo mucaaradka oo dib u dhac ku yimid

Madaxda dowladda federaalaka iyo xubnaha mucaaradka oo shir qaadanaya

Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii maanta lagu waday inay magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo muhiimad gaar ah u lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Shirka oo horey loo qorsheeyay inuu maanta qabsoomo ayaa dib loo dhigay, waxaana hadda la filayaa in si rasmi ah loo furo maalinta Talaadada, kaddib wada-tashi iyo is-afgarad laga gaaray dhinacyada ka qeyb-galaya.

Shirkaan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ah mid diiradda saaraya xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira, waxaana dib u dhaca ku yimid lala xiriirinayaa arrimo amni iyo kalsooni darro dhinacyada qaarkood ka qabaan goobta shirka lagu qabanayo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ay magaalada Muqdisho soo gaari doonaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Saciid C/laahi Deni, iyo kan Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Labadan hoggaamiye ayaa lagu tilmaamaa kuwo door weyn ku leh wada-hadallada, maadaama ay matalayaan maamulo si dhow ula xiriira khilaafaadka taagan iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Goobta lagu qabanayo shirka ayaa noqoneysa Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, taas oo loo arko meel ammaan ah, islamarkaana leh jawi dhex-dhexaad ah oo ay ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ka qeyb-galaya.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay adkaatay in la helo goob kale oo ay si buuxda ugu wada qanacsan yihiin dhinacyadu.

Qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu ahaa in shirka lagu qabto xarunta madaxtooyada, si loo muujiyo muhiimadda shirkaasi iyo doorka dowladda dhexe, balse dhinacyada mucaaradka ayaa si cad u diiday arrintaas, iyaga oo ku adkaystay inaysan ka bixi doonin xayndaabka garoonka diyaaradaha, sababo la xiriira walaac amni iyo kalsooni darro ay ka qabaan xaaladda guud ee ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, qodobada laga doodi doono shirka waxaa udub-dhexaad u ah xaaladda siyaasadeed ee dalka, murannada u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada qaarkood, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo xoojinta wada-hadalka, wadatashiga, iyo is-afgaradka dhinacyada siyaasadeed ee kala aragtida duwan.