Faah faahin:- Qarax xoogan oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka waaxda caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Gen. C/risaaq Afgaduud.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah gaariga Gen. C/risaaq Afgaduud ayaa lagu xiray walxo qarxa oo si qarsoodi ah loogu rakibay, xilli sarkaalkaasi uu ku jiray masaajid uu ku cibaadaysanayay.

Wararku waxay tilmaamayaan in qaraxu uusan isla markiiba dhicin, balse uu qarxay kadib markii sarkaalka uu ka soo baxay masaajidka, kuna soo laabtay hoygiisa oo ku yaalla agagaarka Global Hotel.

Qaraxa ayaa si lama filaan ah u dhacay xilli gaariga la dhigay meel u dhow guriga, taasoo keentay cabsi iyo jahawareer ku yimid dadka ku nool deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in nasiib wanaag uusan jirin wax khasaare nafeed ah, mana jirto dhimasho ama dhaawac ka dhashay qaraxa, inkastoo uu sababay burbur kooban oo soo gaaray gaariga la beegsaday.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska iyo hay’adaha sirdoonka, ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo xiray waddooyinka ku dhow dhow, isla markaana bilaabay baaritaanno ballaaran oo lagu ogaanayo sida walxaha qarxa loo geliyay gaariga iyo cidda ka dambeysay falkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga sarkaalka iyo guud ahaan deegaanka.

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, inkastoo ay weli joogaan ciidamo amni oo xaqiijinaya sugnaanta amniga.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay marar kala duwan ka dhacayeen falal amni darro ah oo lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo hay’ado dowladeed, taasoo mar kale muujinaysa caqabadaha dhanka ammaanka ee weli ka jira caasimadda.