Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa markale si kulul uga hadlay xaaladda barakicinta shacabka ku nool magaalada Muqdisho, isaga oo dowladda federaalka ku eedeeyay inay dhibaatooyin culus ku heyso bulshada caasimadda.
Sheekh Shariif oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada ay tahay mid aad u adag oo shacabka Soomaaliyeed ay ka cabanayaan, gaar ahaan dadka laga saaray guryahooda iyo goobihii ay deganaayeen.
“Waxaa jira dhibaato xanuun badan oo shacabka lagu hayo, waana arrin aan horey Soomaaliya uga dhicin, waxaan Alle ka baryeynaa inaan mar kale dalka dib loogu celin xaalado noocaas ah,” Ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay inaan la iska indho tiri karin cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka Muqdisho, isagoo tilmaamay in dadka laga barakiciyay guryahooda ay mudan yihiin in loo istaago difaacooda iyo xaqooda.
“Dad badan ayaa laga saaray guryahoodii, mana aha arrin laga aamusi karo, waa waajib in laga hadlo dulmiga lagu hayo shacabka Muqdisho,” Ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Shariif
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa shacabka ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa mucaaradka ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo waxa mucaaradka ay ku tilmaameen dhul-boob iyo barakicin lagu hayo shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo dowladda ku eedeynaya inay ku kacday falal la xiriira burburinta guryaha iyo barakicinta dadka danta yar.