Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo xildhibaano heer federaal ah oo taageero u muujiyay qorshihiisa doorasho.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay isbeddel ku socoto, isagoo xusay in awoodda madaxweyne Laftagareen ay si weyn u wiiqantay, taas oo sababtay in deegaanada maamulkaasi ay ka baxayaan gacantiisa, isagoo tusaale u soo qaatay magaalada Baydhabo.
“Maanta hal degmo oo uu si buuxda gacanta ugu hayo ma jirto, marka laga reebo xaafadda uu ka degan yahay Baydhabo, taasina dhowaan waa laga wareegi doonaa,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale farriin u diray xildhibaanada heer federaal ee taageeraya qorshaha Laftagareen, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay rajo ka qabaan in markale lagu soo xusho kuraasta baarlamaanka federaalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalka uu u jiheysan yahay nidaam doorasho oo ku dhisan “qof iyo cod”, taas oo meesha ka saaraysa hannaanadii hore ee siyaasiyiinta qaar kusoo geli jireen kuraasta.
“Sanadku waa 2026, dalkuna wuxuu u socdaa doorasho qof iyo cod ah, dhalinyaro la qaldi karo dalka ma joogto, bulshada Koonfur Galbeed go’aankooda way muujiyeen, ficilna way raaciyeen,” ayuu yiri Wasiirku.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda federaalka inay ka faa’iideystaan fursadda ay kusoo laaban karaan nidaamka dowladnimada, isagoo uga digay inay seegaan marxaladda cusub ee siyaasadeed ee dalka.
“Weli waxaad haysataan fursad aad dadkiinna ugu soo biiri kartaan, haddii aad diidaan, waxaa dhici karta in aad kaligiin ka hartaan masraxa siyaasadda,” ayuu yiri Wasiir C/qaadir.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan murannada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashooyinka mustaqbalka.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa mararka qaar sababa hadallo kulul oo isweydaarsi ah, kuwaas oo muujinaya tartanka iyo kala aragti duwanaanta dhinacyada siyaasadda.