Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay go’aan cusub oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan doorashada madaxtinimada maamulkaasi, iyagoo muujiyay in la dar-dargelinayo diyaarinta iyo hirgelinta geeddi-socodka doorashada.
Maamulka ayaa caddeeyay in saaxadda siyaasadeed ay si buuxda ugu furan tahay dhammaan musharixiinta doonaya inay ka qayb galaan tartanka madaxtinimada, iyaga oo ballan qaaday in si gaar ah loo ilaalin doono amniga musharixiinta, ergooyinka iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku lugta leh doorashada.
Afhayeenka madaxtooyada Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka uu xoogga saarayo qabashada doorasho dadban, isagoo xusay in qorshuhu yahay in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, si looga fogaado dib u dhac saameyn kara xasilloonida siyaasadeed ee maamulka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in guddiyada farsamada iyo hay’adaha ku shaqada leh doorashooyinka ay wadaan diyaar-garowyo la xiriira diiwaan-gelinta ergooyinka, hubinta habraacyada doorashada, iyo abuuridda jawi amni oo lagu qabto doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay ku jiraan mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, inay si nabad ah uga qayb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo midnimada.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ka soo yeeray maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo u dhaxeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.