Dowladda federaalka oo hakisay duulimaadyadii tagi jiray Baydhabo

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hakisay duulimaadyadii rayidka ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii uu sii laba kacleeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in laga bilaabo saaka aysan jirin wax duulimaad ganacsi ama rayid ah oo Muqdisho ka ambabaxay islamarkaana ku degay Baydhabo, taasoo si toos ah u saameysay dhaq-dhaqaaqa rakaabka iyo isu socodka ganacsiga ee labada magaalo.

Tallaabadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto adeegyada muhiimka ah iyo nolosha maalinlaha ah ee shacabka ku nool gobolka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale xaqiijinaya in duulimaadyada loo oggol yahay inay gaaraan Baydhabo ay ku kooban yihiin kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka bani’aadannimo.

Diyaaradahaasi ayaa inta badan qaada shaqaale iyo sahay gargaar, iyadoo loo arko kuwo lagama maarmaan u ah xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanka.

Hakinta duulimaadyada ayaa imaanaysa xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafkaas ayaa salka ku haya arrimo la xiriira awood qaybsiga, maamulka gobollada, iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka, tallaabadaas oo sii murjisay xaaladda siyaasadeed isla markaana abuurtay jawi hubanti la’aan ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan xal deg-deg ah laga gaarin xiisaddan, ay saameyn ballaaran ku yeelan karto xasilloonida guud ee dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya muddada ay socon doonto hakinta duulimaadyada, hase yeeshee indhaha ayaa ku sii jeeda dadaallada suurtagalka ah ee lagu xallin karo khilaafka taagan.