Wasaaradda amniga gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu xadidayo safarka saraakiisha ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaannada maamulka.
Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu faray dhammaan saraakiisha ciidanka qalabka sida ee ka tirsan hay’adaha ammaanka maamulkaasi, inaysan ka bixi karin magaalada Baydhabo ama goobaha ay ka howlgalaan ee maamulka iyaga oo aan fasax rasmi ah ka haysan wasaaradda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo ammaanka, nidaamka shaqo iyo isla xisaabtanka ciidamada, si loo hubiyo in howlaha amniga ay u socdaan si hufan oo nidaamsan.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay digniin u dirtay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ciidamada, iyadoo ku adkeysay in cid kasta oo jebisa amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u baahan feejignaan dheeraad ah, taas oo maamulka Koonfur Galbeed ku kalliftay inuu qaado tallaabooyin lagu adkeynayo nidaamka shaqo iyo dhaqdhaqaaqa saraakiisha ciidamada.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta gaarka ah ee keentay xayiraaddaan safar, haddana go’aankan ayaa muujinayaa dadaal lagu xoojinayo maamulka iyo kormeerka howlaha ciidamada ee ka howlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
