Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga ay dowladda federaalka Soomaaliya u geysatay xubno ka tirsan ururka dhalinyarada ee SOYPA, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawaceysa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in adeegsiga awoodda dowladeed si loo caburiyo muwaadiniinta cabashada iyo aragtidooda dhiibanaya ay halis gelin karto xasilloonida dalka, isla markaana sii hurin karto xaaladaha cakiran ee la xiriira amniga, dhaqaalaha, iyo duruufaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta ka digaya khataraha ku wajahan midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya aysan mudneyn in lagu jawaabo xarig ama tacaddi, balse loo baahan yahay in si mas’uuliyad leh loo dhegeysto, maadaama tallaabooyinka noocan oo kale ah ay kordhinayaan kacsanaanta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
“Muwaadiniinta ka hadla halista ku hareereysan midnimada iyo dowladnimada dalka haddii lagu wajaho xarig iyo tacaddi, waxay sii hurinaysaa xaaladda iyo kacdoonka dhalinyarada Soomaaliyeed,” Sidaasi waxaa war-saxaafadeedka ku yiri Farmaajo.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa tilmaamay in ficillada noocan ah ay sii kordhinayaan niyad-jabka dhalinyarada, isla markaana ay xoojinayaan dareenka quusta ee ka dhasha eexda, musuqmaasuqa iyo kalsooni darrada hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, mudane Farmaajo ayaa baaq u diray laamaha ammaanka, isagoo ugu yeeray inay ka waantoobaan tallaabooyinka dhaawacaya sumcaddooda iyo kalsoonida lagu qabo, islamarkaana ay si buuxda ugu shaqeeyaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta badqabka, karaamada, nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha amniga inay ka waantoobaan tallaabooyinkan soo noqnoqday, isla markaana aan mar walba la illaawin in shaqadoodu tahay ilaalinta badqabka iyo karaamada shacabka,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkan Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan xorriyadda hadalka, xaaladda amniga, iyo heerka kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda, arrimahaas oo muujinaya xiisado siyaasadeed oo weli ka dhex jira hoggaanka dalka iyo bulshada inteeda kale.