Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirkii wadatashiga ee u dhexeeyay madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ku dhammaaday natiijo la’aan.
Dowladda ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku day ay sheegtay in xubno ka tirsan mucaaradka ay ku doonayeen faragelin la xiriirta doorashooyinka qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka ee qeexaya awoodaha maamul-goboleedyada.
Wasaaradda ayaa xustay in maamullada la sheegay in faragelinta lagu sameyn lahaa ay kala yihiin Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, dowladda ayaa ku eedeysay Golaha Mustaqbalka inay si kedis ah ajandaha shirka ugu dareen qodob cusub oo aan horay loogu heshiin, kaas oo ku saabsanaa in Goluhu yeesho talo toos ah oo ku saabsan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka maamul-goboleedyada kale.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid aan waafaqsanayn nidaamka dastuuriga ah, isla markaana ka hor imaanaysa mabaadi’da ku xusan dastuurka dalka, iyadoo sheegtay in qodobada lagu soo kordhiyay ajandaha aysan lahayn sal-dastuuri iyo tixraac sharci.
“Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal-dastuuri ah iyo tixraac sharci,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladdu waxay sheegtay in, iyada oo ilaalinaysa ruuxda wada-xaajoodka iyo hannaanka sharciyeed ee lagu heshiiyey, ay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah.
Hase yeeshee, waxay ku eedeysay Golaha Mustaqbalka inay soo saareen bayaan ay ku tilmaamtay mid baal-marsan habraacyadii iyo nuxurkii wada-xaajoodyadii socday, taas oo, sida ay sheegtay, dhaawac ku ah geeddi-socodka wada-hadallada.
Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin dadweyne oo ku dhisan nidaamka “qof iyo cod”, iyadoo adkaysay in ilaalinta dastuurka iyo kala dambeynta doorashooyinka ay laf-dhabar u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.

