Somaliland oo sheegtay inay soo qabatay shabakad laga soo abaabulay Muqdisho

Somaliland oo sheegtay inay soo qabatay shabakad laga soo abaabulay Muqdisho

Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta kusoo dhigtay shabakad abaabulan oo sida ay sheegtay, ay ka dambeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu eedeeyay inay qorsheynaysay falal ammaan-darro oo laga fuliyo deegaannada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in inta badan xubnaha shabakadda la qabtay, halka qaar kalena ay ku socdaan baaritaanno, kuwo kalena lagu daba jiro.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shabakaddan ay ka koobneyd shaqsiyaad asal ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse sida uu hadalka u dhigay loo adeegsaday fulinta qorshayaal amni-darro oo dibadda laga soo maleegay.

“Waxaa la abuuray shabakad Somaliland kasoo jeedda oo la adeegsanaayo, shabakaddaas ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay; qaar waa xiran yihiin, qaar baadhitaan ayaa ku socda, kuwana waa la daba socdaa, waa shabakad cadawgu soo maleegey oo Soomaaliya ka dambayso,” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Cabdalle Maxamed Carab.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo falal wax u dhimaya amniga deegaannada Somaliland la horgeyn doono hay’adaha caddaaladda, isla markaana lagu qaadi doono sharciga u degsan Somaliland.

“Waxaa lagu qaadi doonaa sharciga Somaliland u yaal ee ay golayaasha dowladdu meelmariyeen, wax sharci darro ah cidna laguma xukumi doono, ciidanka ammaanka kama nabad-gelayaan nin kasta oo qarannimadiisa, dowladnimadiisa iyo ubadkiisa shilimaad siisanayaa, nin kasta oo shaar mucaarad ama xisbi ku gabbanaayana loo dulqaadan maayo,” ayuu raaciyay wasiirku.

Dhanka kale, illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad uga jawaabaya eedeymaha loo jeediyay, xilli mararka qaar ay soo noqnoqdaan eedeymo iyo hadallo is-dhaafsi ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani ayaa muujinaysa xiisad siyaasadeed oo weli ka dhex taagan labada dhinac, iyadoo maqnaanshaha jawaabta dowladda federaalka Soomaaliya ay kor usii qaadi karto tuhunka iyo wararka la isla dhexmarayo ee saxaafadda iyo bulshada rayidka ah.