Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, saraakiil ciidan, marti sharaf iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhoollatus ku muujinayay cududdooda iyo tayadooda ciidan, cir iyo dhulba, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, halyeeyada naftood-hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda maalintan taariikhiga ah iyo mabaadi’da lagu yaqaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku saleysan geesinimo, naf-hurnimo iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo tababarka, qalabeynta iyo tayeynta ciidamada, si loo hubiyo in ciidanka qaranka ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta midnimada iyo xaqiijinta amniga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 66-aad ee aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billado geesinimo guddoonsiiyey saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hawlgallada amniga iyo dagaallada ka dhanka ah argagixisada, isagoo ku ammaanay geesinimadooda, doorkooda hoggaamineed iyo dedaalkooda joogtada ah ee ku aaddan sugidda amniga dalka, difaaca xuduudaha iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.