Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacaabista maamul cusub oo loo sameeyay degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh, kuna taariikheysan 24-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib baahi loo qabo in degmada Waajid loo helo maamul wax ku ool ah oo si dhow ula shaqeeya bulshada iyo hay’adaha dowladda, si loo xoojiyo amniga, adeegyada maamulka iyo wada shaqeynta heer degmo.
Mas’uuliyiinta cusub ee loo magacaabay maamulka degmada Waajid ayaa kala ah:
- Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) – Guddoomiyaha Degmada Waajid
- Maxamad C/raxmaan Maxamad (Jugle) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Degmada Waajid
- Aadan Cali Kulow – Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada Degmada Waajid
- Ayaanle Cabdi Dhuux Yare – Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid
Sida ku cad qoraalka, mudaneyaasha la magacaabay waxaa lagu faray inay si degdeg ah u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana si hufan ugu adeegaan bulshada ku nool degmada.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada degmada Waajid ugu baaqday inay la shaqeeyaan maamulka cusub, si loo xaqiijiyo xasillooni, horumar iyo adeeg dowladeed oo tayo leh.
Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa xustay in magacaabistan ay dhaqan-gashay isla marka uu saxiixay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Xil. Cali Yuusuf Cali Xoosh.

