Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed oo kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed oo kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan lagu xoojinayo diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka maamulkaasi la yeeshay odayaasha dhaqanka.

Kulankan, oo si gaar ah diiradda loogu saaray doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka ku leeyihiin xaqiijinta doorashooyin hufan oo daahfuran, ayaa lagu tilmaamay in odayaashu yihiin laf-dhabarta wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay kaalinta ay odayaashu ka qaadan karaan sugidda amniga iyo xasilloonida inta lagu guda jiro doorashooyinka, si loo hubiyo jawi nabdoon oo lagu qabto doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowliga ah, bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka, iyagoo xusay in wada-shaqeyntaasi ay saldhig u tahay guusha doorashooyinka iyo ilaalinta nabadda bulshada.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan hannaanka doorashooyinka, iyagoo ballanqaaday inay door firfircoon ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo xoojinta midnimada, iyagoona sidoo kale ku baaqay in la joogteeyo kulamada wadatashiga si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi waara.