Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Danjiraha ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in khilaafka jira lagu wajaho wadahadal iyo is-afgarad, iyadoo xustay in xalka kaliya ee lagu gaari karo xasillooni waarta uu yahay in dhinacyadu isugu yimaadaan miiska wadaxaajoodka.
Dhinaca kale, Francesca Di Mauro ayaa soo dhaweysay dadaal kasta oo lagu dejinayo xiisadda u dhaxeeysa dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda gobolka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay in fursad buuxda la siiyo geeddi-socodka nabadaynta, si looga fogaado tallaabo kasta oo khalkhal gelin karta amniga.
“Wuxuu Midowga Yurub si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaaneysa ee Koonfur Galbeed, iyadoo wadahadal wax ku ool ah uu aad muhiim u yahay xilligan, dhammaan dadaallada dhex-dhexaadinta waa in lasoo dhaweeyaa, lana siiyo fursad,” ayay tiri danjiradda Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, taasoo keentay kala aragti duwanaansho u dhaxeeysa dhinacyada siyaasadda, isla markaana saameyn ku yeelatay amniga deegaanada maamulkaas.