Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kadib duqeymo iyo howlgallo ciidan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxdaasi ku sugneyd.
Howlgalka ayaa yimid kadib weerarkii shalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoo saraakiil ciidan ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda gaashaandhigga, ku dhawaad 50 dagaalyahan oo isugu jira Al-shabaab iyo maleeshiyaad garab siinayay ayaa lagu dilay howlgalka, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka hubeysan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeysay maleeshiyaad taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) inay ku lug lahaayeen weerarkii shalay, iyadoo sheegtay inay xiriir iyo iskaashi la leeyihiin kooxda Al-shabaab.
Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada askartii ku geeriyootay weerarradii ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ku tilmaantay inay ahaayeen askar naftooda u huray difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhiga ayaa sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay gacan siinayso kooxaha hubeysan ama ay u adeegsanayso maleeshiyaad dano siyaasadeed iyo falal lagu carqaladeynayo amniga dalka.
Ilaa iyo haatan, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada lagu eedeeyay weerarka iyo dagaallada ka dhacay gobolka Bay.
