Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May 2026 soo idlaaday muddo-xileedka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dalka uu haatan wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed.
Inkasta oo muddo-xileedka madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku egyahay, haddana weli ma jiro heshiis siyaasadeed oo mideynaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo isku khilaafsan qaabka doorashooyinka dalka uga dhici doonaan.
Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan in geeddi-socodkaasi u baahan yahay wadatashi qaran iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay si looga fogaado muran hor leh.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay marti gelineysay kulamo siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka iyo wakiillo ka socda beesha caalamka, kuwaas oo dadaal ugu jira sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga siyaasadeed.
Warar laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in dhinacyadu ay sameeyeen tanaasul iyo isu soo dhawaansho siyaasadeed, inkastoo ay weli jiraan qodobo muhiim ah oo aan laga gaarin heshiis kama dambeys ah.
Dhinacyada wada-hadallada ku jira ayaa diiradda saaraya arrimo ay kamid yihiin dastuurka, awood-qeybsiga, hannaanka doorashooyinka iyo sugidda amniga inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, iyadoo sidoo kale ay socdaan dood ku saabsan in muddo kooban loo kordhiyo dowladda hadda jirta si loo abuuro jawi lagu qaban karo doorasho heshiis lagu yahay.
Kulamada siyaasadeed waxaa dowladda uga qeyb galaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, halka mucaaradka ay hormuud u yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa hadda si dhaw ula socda natiijada laga filayo wada-hadallada maanta dib loo sii amba-qaadayo, kuwaas oo la rumeysan yahay inay door weyn ka qaadan doonaan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.