Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo adeegsiga lacagta shilin Soomaaliga, kaddib markii ay soo kordheen cabashooyin ku saabsan diidmada lacagtaas ee qaar ka mid ah suuqyada magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa arrintan kaga dhawaaqay kulan degdeg ah oo uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee ganacsatada ka howl gala caasimadda, iyadoo kulankaas ay ka qeyb galeen sariflayaal, ganacsatada tafaariiqda, kuwa khudaarta iyo hilibka, gaadiidleyda, iyo wakiillo ka socday rugaha ganacsiga ee heer gobol iyo heer qaran.
Kulankaasi ayaa diiradda loo saaray dhibaatooyinka ka dhashay diidmada shilin Soomaaliga iyo saameynta ay ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha bulshada, halkaas oo ganacsatadu ay dhankooda ku soo bandhigeen caqabadaha dhaqaale ee ay kala kulmeen arrintan
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa caddeeyay in maamulka gobolka uusan aqbali doonin in la diido lacagta qaranka, isagoo ku tilmaamay shilin Soomaaliga inuu yahay tiir muhiim u ah dhaqaalaha iyo astaanta dowladnimada dalka.
Muungaab ayaa sidoo kale faray in dhammaan canshuuraha maxalliga ah lagu bixiyo shilin Soomaali, isla markaana sariflayaasha lagu amray inay aqbalaan sarifka lacagtaas, wuxuuna si cad uga digay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ganacsatada ugu baaqay inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka si loo xoojiyo kalsoonida iyo adeegsiga lacagta qaranka, isagoo ballan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono xal u helidda caqabadaha ay ganacsatadu la kulmaan.
Dhinaca kale, ganacsatada ka qeyb gashay kulanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay wadahadalka, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshahooda inay xoojiyaan adeegsiga shilin Soomaaliga, si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhashay diidmada lacagta.
Si kastaba ha ahaatee, amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay suuqyada magaalada Muqdisho laga dareemayay cabashooyin ku saabsan diidmada lacagta shilin Soomaaliga, taasoo saameyn ku yeelatay helitaanka adeegyada aasaasiga ah.